Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed
Somalinkielistä runoutta käsittelevä teos.
Buuggani, oo ah buuggii ugu horreeyay ee uu qoray Ustaad Cabdalla Cumar Mansuur 1977, oo dhowaanahan dib u habayn yar lagu sameeyay, wuxuu guud ahaan saafayaa astaamaha u gaarka ah maansada Soomaaliyeed, sida: qaafiyadda ama xarafraaca, miisaanka, murtida (sida: balaaqada ama af maldaheedka). Arrimahaasi waa xogta laga helayo qaybta koobaad ee buugga. Qaybta labaadi waxay diiwaangelinaysaa jaadad badan oo maansada ka tirsan (mid la tiriyo iyo mid la heesaba), iyada oo xeerka lagu kala soocayo jaadadkani yahay miisaanka. Markii buuggan qoristiisa la hayay, ma jirin daraasad u soo koobtay tirada jaadadka kala duwan ee maansada Soomaaliyeed, sida daraasaddan, tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
Tilaustuote | Arvioimme, että tuote lähetetään meiltä noin 1-3 viikossa.